Ronaldo, Salah, Haaland, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man City ayaa wali doonaysa saxiixa xiddigaha Jack Grealish iyo Harry kane inkasta oo ay labada kooxood ee Tottenham iyo Aston Villa ku adkaysanayaan in ayna labada xiddig iib ahayn (The Athletic).

Si kasta ahaatee Xiddiga Jack Grealish ayaa wali la filayaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Aston Villa (Birmingham Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa sii haysan doonta Gareth Bale hal xilli ciyaareed oo kale iyada oo ayna kooxdu helin wax dalab ah oo lagu doonayo xiddiga (Mundo Deportivo).

Kooxda Arsenal ayaa heshiis afka ah la gaadhay kooxda Brighton kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Ben White (The Athletic).

Kooxda Man United ayaa Roma u diiday in ay helaan saxiixa daafaca Bidix ee Alex Telles (Sky Sports).

Kooxda Inter Milan ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa daafaca Midig ee kooxda Arsenal ee Hector Bellerin (Sun).

Xiddiga Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayay kooxda PSG iyo Man United ayaa sii joogi doona kooxda Juventus xilli ciyaareedka dambe (Gazzetta dello Sport).

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku jira wadahadalo ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Saul Niguez & Antoine Griezmann (AS).

Kooxda Atletico Madrid ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga Antoine Griezmann laakiin kooxaha chelsea, Man City iyo Liverpool ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga (90min).

Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar sidoo kale kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixiisa (ESPN).

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kieran Trippier ayaa rajo ka qaba in uu xagaagan ku biiri doono kooxda Man United (Manchester Evening News).

Kooxda Arsenal ayaa dib ugu laabanaysa baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard (Mirror).

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah suuqa u dhigtay xiddiga Raheem Sterling si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Harry Kane (Telegraph).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay xagaaga dambe u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Erling Haaland si ay ugu buuxiyaan booska Cristiano Ronaldo (The Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kadib markii ay ka quusatay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (AS).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*