Ronaldo Oo Real Madrid U Tilmaamay Xiddig Ay Ku Khaldameen In Ay Iska Iibiyaan.

Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa Real Madrid u sheegay xiddiga ay ku khaldameen in ay iska iibiyaan kadib wacdarihii uu ku soo bandhigay horyaalka Serie A-da.

Ronaldo ayaa sheegay in ay Real Madrid ku khaldantay in ay iska iibiso xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Achraf Hakimi.

Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Inter Milan tan ilaa markii uu ku soo biiray Inter Milan.

Real Madrid ayaa si toos ah isaga iibisay xiddiga Achraf Hakimi kadib markii uu dhamaystay amaah laba sano ah oo uu ku joogay kooxda Borussia Dortmund.

Laakiin xiddiga ayaa haatan muujiyay tayadiisa isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa qaarada yurub waliba xiddig muhiim ah u noqday Inter Milan.

Ronaldo oo waraysi siiyay wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa yidhi” Inter Milan waxa ay heshay xiddig cajiib ah markii ay la soo saxiixatay Achraf Hakimi”.

“Waxan u malaynayaa in ay Real Madrid ku khaldantay in ay iska iibiso Hakimi”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*