Ronaldo Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Ballon d’Or

Toddobaadkii hore waxa la shaaciyay liiska 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or iyada oo uu Lionel Messi ugu cad-cadyahay ku guulaysiga abaalmarinta.

Sidoo kale xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Jorginho ayaa ku Weheliya Messi xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga kadib ku guulaysigii Euro 2020 iyo champions League.

Robert Lewandowski ayaa sidoo kale lagu qiimaynayaa xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee Ronaldo Nazario, ayaa aaminsan in abaalmarinta ay tahay in la siiyo ciyaaryahanka ugu dambeeya ee ku jira shanta ugu sarreysa ee ay u badan tahay inuu ku guuleysto, weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema.

Ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta abaalmarintan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay isagoo leh, “Shaki la’aan, murashaxa Ballon d’Or waa Benzema. sabab la xidhiidha in uu yahay weeraryahanka ugu fician adduunka 10-kii sano ee ugu dambeeyay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*