Ronaldo Oo Juventus Ku War Giliyay Go`aankiisa Kama Dambeysta Ah Ee Mustaqbalkiisa Kooxdaas?

Ronaldo ayaa lagu waramayaa in uu go`aamyay mustaqbalkiisa kooxda Juventus

Ronaldo ayaa xagaagaan lala xariirinayay in uu baxayo ka db sedex sano oo uu la joogay kooxdaas waxaana isha ku haya kooxdiisii hore United iyo PSG

Wargeyska Lagazeta Del Sport waxa ay qoreysaa in Ronaldo uu ku war giliyay maamulka Juve in kooxda uu la joogayo xilli ciyaareedka dambe

Hishiiska Ronaldo ee Juve waxa uu dhacayaa xagaaga dambe waxa uuna wargeyskaas sheegayaa in wakiilkisa uu Juve kala hadlayo in hishiiska la kordhiyo waliba hal xilli ciyaareed lagu daro.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Ronaldo xerada tababarka Juve iska xaadirinayo 25-ka bishaan si  uu u ugu diyaar garoobo xilli ciyaareedka cusub

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu u saftay Juve 133 kulan halka uu dhaliyay 101 gool , laba jeerna horyaalka ayuu kula guuleystay iyo laba koob ah Copa Italy iyo Super Cup-ka

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*