Ronaldo Oo Fariin U Diray Inter Iyo Milan Ka Dib Markii Xalay Uu Juve Ku Hogaamiyay Koobka Italian Super Coppa

Weeraryahanka Juventus ee Ronaldo ayaa xusay in uu rajeynayo in koobka Italian Super Coppa-ka uu kooxda siiyo kasooni dheeraad ah xilli ciyaareedkaan .

Juve ayaa koobkaas xalay waxa ay ka qaadeen Napoli oo ay ku garaaceen laba gool oo nadiif ah waxaana kala saxiixay Ronaldo iyo Morata.

Tv-ga RAI Sport ayuu ka yiri Ronaldo” guul adag ayay aheyd balse ugu dambeyn shaqadeena waan qabsanay”

” Run ahaantii heer wacan ayaan ku soo muuqanay oo ka duwan midkii Inter Milan , waxaan kulankaan galnay anaga oo niyadda ka saarnay heer ciyaareedkii Inter aan ku muuqanay” ayuu sii raaciyay Ronaldo

” Koobkaan waa muhiim , waxaana rajenyanayaa in uu ina siiyo kalsooni waliba in aan xilli ciyaareedkaan horyaalka qaadno waa arin dhici karta”

” Inter iyo Milan waa xooggan yihiin xilli ciyareedkaan balse waxaa naga go`an in aan horyaalnimadeena ilaalsanno” ayuu sii raaciyay Ronaldo

Ronaldo ayaa xalay goolkiisii Napoli ku noqday gool dhaliyaha taariikhiga ee kubadda cagta isaga oo gaaray goolkiisii 760-aad

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*