Ronaldo Oo Fariin Muhiim Ah U Diray Neymar Kadib Markii Uu Dhaafay Rikoodhkiiisii Goolasha Xulka Brazil.

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa fariin u diray xiddiga ay isku dalka yihiin ee Neymar kadib markii uu dhaafay rikoodhkiisa gool dhalinta xulka qaranka Brazil.

Xiddiga Neymar ayaa saddexley ka dhaliyay xulka Peru kulan is reeb-reebka koobka adduunka ka tirsanaa isaga oo dhaafay gool dhalintii Ronaldo ee xulka qaranka Brazil.

Neymar ayaa dhaliyay goolkiisii 64-aad ee xulka qarankiisa isaga oo laba gool ka horeeya Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo.

Ronaldo ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”Waan ku Ixtiraamayaa, sababta oo ah wax weyn ayaad soo bandhigtaa kulamada, hadii ay tahay in aad caawiso ama aad dhaliso”.

“Waxa aad abuurtay qiso cajiib ah oo taariikhi ah, waxa aad tahay xiddig qaan gaaray oo la dhaqmi kara cadaadisa aad ku wajahayso garoonka gudihiisa iyo dibadiisaba”.

“Hada ii sheeg halkee ayaan ka nimid ayaana inoo sheegi kara wax aan suurtagal ahayn? sidaas darteed waa in aad sii wado dadaalka kuna kalsoonaato tayadaada, qofkna kaama qaadi karo waxa aad leedahay”.

Ronaldo ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Wali waxa kaa horeeya rikoodho taariikhi ah oo aad gaadhi karto, waanan ku faanayaa in uu xiddig reer Brazil sidaas u ciyaarayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*