Ronaldo Nazário Oo Magacaabay 5-ta Xiddig Ee Uu Xiiseeyo In Uu Daawado, Messi Oo Kaalinta 1-aad & Cristiano Oo Uu Liiska Ka Saaray.

Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa iska indha tiray xiddiga ay isku Magaca yihiin ee Cristaino isaga oo Lionel Messi u doortay xiddiga uu jecelyahay in uu daawado.

Waxa jira muran soo jireen ah oo ku aadan xiddiga ugu fiican adduunka 12-kii sano ee la soo dhaafay iyada oo uu Messi ku guulaystay 6 Ballon d’Or halka uu Cristiano ku guulaystay 5 Ballon d’Or.

Ronaldo oo laftiisa lagu tiriyo xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta waliba 2 jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la waydiiyay in uu doorto 5-ta xiddig ee uu jecelyahay in uu daawado wakhti xaadirkan Isaga oo ka reebay Cristiano kuna daray xiddig Liverpool ah.

“Messi Dabcan, waa Lambarka 1-aad, waa Tayo aynu raadin doono 20 ilaa 30 sano ee soo socda”ayuu u sheegay wargayska AS.

“Waxa aan jecelahay in aan daawado Mohamed Salah, Eden Hazard, Neymar iyo dabacn Kylian Mbappe”

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*