Ronaldo, Man United, Guardiola, Vinicius & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Wararka  Ciyaaraha Maanta: Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Xiddiga reer Portugal ayaa midkood ku biiri doona kooxaha Newcastle, chelsea ama kooxda reer Suadi Arabia ee Al-Nassr kadib markii uu ka tagay Man United (Marca).

Man United ayaa 15.5 milyan oo lacag ah oo mushaharka Cristiano Ronaldo ah ka fogaatay in ay bixiso kadib markii uu xiddigu ogolaaday in uu kansalo heshiiskiisa (Times).

Milkiilayaasha Man United ayaa si Rasmi ah suuqa u dhigay kooxda man United iyaga oo isku dayi doona in ay iska iibiyaan kooxda (Sky).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo la furaysa xiddiga Cristiano Ronaldo si ay ugu qanciso in uu sii joogo premier League (CBS).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay suuqa January saxiixeeda ugu horeeya xiddiga kooxda Palmeiras ee Danilo (Sun).

Man United ayaa diyaar u ah in ay 10 milyan kula soo wareegto xiddiga kooxda Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram (Football Insider).

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ogolaaday in uu heshiis 2 sano ah u saxiixo kooxda Man City (The Athletic).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni ayaa sheegay in uu diiday in uu ku biiro Liverpool isaga oo ka doortay Real Madrid (Le Parisien).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay wax walba u samayso sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga kooxda PSV ee Cody Gakpo (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay 10 milyan kula soo wareegto xiddiga kooxda Barcelona ee Memphis Depay (Sport).

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Fc Porto Pepe (Record).

Tababaraha Man United ee Vinicius Jnr ayaa u sheegay maamulka kooxdiisa in ay u keenaan xiddiga Real Madrid ee Vinicius Jnr (various).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay la soo saxiixdaan xiddiga garabka uga ciyaara Ac Milan ee Rafael Leao (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*