Ronaldo, Fabinho, Varane, Stones, Ziyech, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda PSG ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda suuqa xagaaga (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Slavia Prague ee Abdallah Sima (Manchester Evening News).

Kooxda RB Leipzig ayaa kooxda Bayern Munich u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 25 milyan oo euro hadii ay doonayaan tababarohooda Julian Nagelsmann (Sky Sports).

Kooxda Real Madrid ayaan isku dayi doonin in ay xiddiga Raphael Varane ku sii hayso kooxda xilli lala xidhiidhinayo chelsea iyo Man United (As).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu u raadiyo koox uu ku biiro xagaaga (Football Insider).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo heshiis cusub ah la furtay xiddiga da’yarka ah ee khadka dhexe uga ciyaara ee Emile Smith Rowe (The Athletic).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 7 xiddig marka la gaadho suuqa si ay ugu xoojiso kooxda xagaaga (The Athletic).

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Eric Garcia (Mundo Deportivo).

Kooxda Man City ayaa wadahadalo heshiis cusub ah kula jirta daafaca dhexe ee John Stones (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa Man United iyo Tottenham kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti (Sun).

Xiddiga kooxda chelsea ee Hakim Ziyech ayaa loo sheegay in uu isaga tago kooxda chelsea xagaaga (Sun).

Kooxda Everton ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti (Mundo Deportivo).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Fabinho (Fichajes).

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Niklas Sule (El Gol Digital).

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*