Ronaldo, Boateng, Lacazette , Rice, Janmaat, Upamecano & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala Iibsiga ayaan furnayn laakiin arintaas ayaan kooxaha kala duwan ee adduunka ka hor istaagin in lala xidhiidhiyo xiddigo kala duwan.

Suuqa ayaa furmi doona bilowga sanadka cusub ee 2021 gaar ahaan bisha January waxana ay kooxaha kala duwan ee adduunku haatanba bilaabeen dadaalada ay ku doonayaan in ay saxiixyo cusub ku helaan marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Dhanka kale waxa jira xiddigo marka uu suuqu furmo doonaya in ay isaga tagaan kooxohooda haatan si ay u badbaadiyaan xirfadoosa ama ay ugu biiraan koox ay koobab kula guulaystaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba kooxda.com ayaa halkan idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wararkan ka soo qaadatay wargaysyada ku hor qoran wararka suuqa kala iibsiga.

Kooxaha Arsenal, Chelsea Iyo Tottenham ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng (Bild).

Kooda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa January dalab cusub ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice (Football Insider).

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddigaha Jorginho, Antonio Rudiger & Marcos Alonso si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Declan Rice (Football Insider).

Kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo si ay xiddiga ugu soo celiso Old Trafford (Record).

Kooxda Liverpool ayaa ka fiirsanaysa in ay la soo saxiixato xiddiga reer Holland ee Daryl Janmaat si ay ugu xaliyaan dhaawacyada ku badanaya (Teamtalk).

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay xiddiga kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano (The Athletic).

Kooxda Arsenal ayaa xagaagii iska diiday dalab aad u fiican oo ay kooxda Roma kaga doonaysya saxiixa Alexandre Lacazette (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool (Sun).

Daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa Albaabka u furay ku biirista kooxda Liverpool suuqa January (Express).

Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa daafaca kooxda Arsenal ee Sokratis Papastathopoulos si ay ugu xaliyaan dhaawaca ku badanaya (Express).

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhigatay daafaca kooxda Man City ee Angelino amaahdana kula jooga kooxda RB Leipzig (Bild).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca kooxda Real Madrid ee Eder Militao (Sports Mole).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo (Bild).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*