Ronald Koeman: Waxa Aan Haystaa Taageerada Xiddigaha Kooxda

Guuldaro 3/0 ah ayaa Koeman ku sii dhawaynaysa in laga caydhiyo shaqada kooxda laakiin tababaraha reer Holland ayaa sheegay in ay xiddigaha kooxdu wali isaga garab taaganyihiin.

Xiddigaha Sergio Busquets iyo Frenkie de Jong ayaa ciyaarta kadib hadlay waliba difaacay tababaraha laakiin arintaas ayaan wax faa’iido weyn ah u lahayn taageerayaashii daawanayay ceebta kooxdooda.

“Waxa aan dareemayaa taageerada xiddigaha iyo waliba ddabeecadooda”ayuu Koeman yidhi ciyaarta kadib.

“Kaliya waxa aan ka hadli karaa shaqadayda iyo kooxda”.

“Ma garanayo waxa intaas dhaafsan, ma garanayo kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*