Ronald Koeman Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Ay Kooxdiisu Dhamaystiri Doonto Laba Xiddig Oo Premeir League Ka Ciyaara.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa maamulka Kooxdiisa u sheegay in ay suuqa January u keenaan xiddigaha Liverpool iyo Man City ee Gini Wijnaldum & Eric Garcia.

Koeman ayaa doonayay inuu Kooxdiisa keeno xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Wijnaldum Iyo daafaca Man City ee Garcia intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Laakiin Barcelona ayaa diiday in ay bixiso lacagta ay Man City doonaysay halka ay Barcelona ka diiday saxiixa xiddiga reer Holland.

Haatan Koeman ayaa doonaya labada xiddig suuqa January si uu ugu xoojiyo kooxdiisa Qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan

Koeman ayaa xaqiijiyay: “Xiisaha aan u qabno Wijnaldum waa mid xoogan.

“Waxa aan doonayay in aan Barcelona keeno suuqii xagaaga sababta oo ah waxa uu leeyahay awood uu khadkeena dhexe ku xoojin karo”.

“Waxa aan ku qanacsanahay in uu wax ku soo kordhin karo kooxda”.

Koeman ayaa hadalkiisa sii raaciyay”waxa jirta fursad aan mar kale ugu laaban karno Garcia”.

“Laakiin haatan ma garan karo xaalada dhaqaale ee kooxda sidaas darteed waa in aan sugno suuqa January”.

Sii Akhriso: Ninkii Qoorta Ka Jaray Macalinkii Af-lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” Oo La Ogaaday Cida Uu Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*