Ronald Koeman Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Ay Barcelona La Soo Saxiixan DOonto Memphis Depay.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu la soo saxiixan doonto xiddiga Memphis Depay marka la gaadho suuqa January kadib markii ay seegeen saxiixiisa suuqii xagaaga.

Xiddiga ayaa xaqiijiyay in uu heshiis la gaadhay kooxda Barcelona ka hor intii uu heshiisku bur-buray oo la dhamaystiri kari waayay.

Koeman ayaa rajaynayay in uu la soo saxiixado xiddiga reer Holland si uu ugu badalo Luis Suarez kaas oo ka tagay kooxda.

“Waxa jirta suurtagalnimo la hubo, Haa”ayuu Koeman u sheegay wargays reer Holland ah.

“Waxa aan isku dayi doonaa in aan la soo saxiixdo Depay suuqa Janaury sababta oo ah waxa aan doonayaa in uu ka mid ahaado kooxdayda”.

“Kaliya haatan waa in aan sugno, Depay waxa uu doonayay in uu halkan yimaado aniguna waan doonayay sababta oo ah waxa uu leeyahay tayo gaar ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Haatan wax intaas ka badan ma odhan karo waa in aan eegno xaalada dhaqaale ee kooxda marka la gaadho January kadib waan eegi doonaa waxa xiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*