Ronald Koeman Oo Xaqiijiyay In Ay Kooxdiisu U Dhaqaaqi Doonto Xiddig Laf Dhabar Ka Ah Liverpool.

Maamulaha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa mar kale ka dhawaajiyay in kooxdiisu mustaqbalka dhaw u dhaqaaqi doonto xiddiga kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Wijnaldum oo laf dhabar ka ah kooxda Liverpool ayuu heshiiskuu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana kooxdu heshiis cusub uma soo bandhigin.

Koeman ayaa taageere u ah xiddiga 30 jirka ah waxana uu doonayaa in uu keeno kooxdiisa Barcelona si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

“Waa xiddig fiican laakiin waxa uu joogaa Liverpool, waxa laga yaabaa in aan u dhaqaaqno mustaqbalka, ma odhan karo wax intaas ka badan”ayuu Koeman yidhi.

Wijnaldum ayaa door muhiim ah ka qaatay ku guulaysigii Liverpool ee koobabka sanadihii ugu dambeeyay isaga oo ka mid ah xiddigaha uu Klopp ugu jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*