Ronald Koeman Oo Weerar Ku Qaaday Barcelona & Frenkie de Jong Oo Sabab U Ah.

Tababaraha Xulka qaranka Holland ee Frenkie de Jong ayaa weerar ku qaaday kooxda Barcelona isaga oo sheegay in ayna booskiisii fiicnaa ka ciyaarsinayn xiddiga Frenkie de Jong.

Frenkie de Jong ayaa Barcelona ku soo biiray xagaagii laakiin ilaa haatan waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii xilli ciyaareedkii hore inkasta oo uu ciyaaray 37 kulan tartamada oo dhan.

Frenkie de Jong ayaa sida caadiga ah ka ciyaara khadka dhexe ee dambe laakiin Booskaas waxa ka ciyara Sergio Busquets taas oo keentay in khadka dhexe ee hore laga ciyaarsiiyo xiddiga 22 jirka ah.

Koeman oo ah tababaraha xulka Qaranka Holland ayaa Barcelona ku weeraray in ay xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong ka ciyaarsiinayaan boos aan ahayn booskiisii saxda ahaa.

“Waxa muhiim ah in uu ciyaarayo kulamo badan, inkasta oo uuna ka ciyaarayn booskiisa saxda ah”ayuu Koeman u sheegay Marca

Advertisements

“Xulka qaranka Waxa uu uga ciyaaraa khadka dhexe ee dambe laakiin Barcelona ugama ciyaaro”.

“Booska uu haatan uga ciyaarayo Barcelona wuu ka duwanyahay midka uu uga ciyaaro xulka qaranka ama uu uga ciyaari jiray kooxda Ajax”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*