Ronald Koeman Oo War Fiican Ka Helay Tababarka Ka Hor Kulanka El Clasico.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronaldo Koeman ayaa war fiican ka helay Tababarka Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Real Madrid ee Sabtida.

Kooxda Barcelona ayaa Marti Galin doonta kooxda Real Madrid Kulan ka tirsan Todobaadki 7-aad ee horyaalka La Liga.

Xiddiga daafaca Bidix ee Jordi Alba ayaa ku soo laabtay tababarka Kooxdiisa Isaga soo si caadi ah uga qayb qaatay tababarkii maanta ee jimcaha sida uu sheegay wargayska Mundo Deportivo.

Xiddiga ayaa kooxdiisa ka maqnaa tan ilaa 4 bishii October laakiin waxa uu si buuxda uga soo laabtay dhaawacii uu kaga maqnaa kooxdiisa.

Isla wargayska Ayaa sheegaya in uu Alba diyaar u noqon doono in uu ku bilowdo shaxda Barcelona hadii uu Koeman go’aamiyo Arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*