Ronald Koeman Oo Kashifay Wixii Uu U Sheegay Lionel Messi Kadib Dhamaadkii Kulankii Juventus.

Kooxda Barcelona ayaa dabaal dagaysay fiidnimadii Arbacadii kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadheen kooxda ugu adag Group-ka wareega champions League.

Lionel Messi ayaa dhaliyay rikoodhe uu ugu dheereeyay hogaanka kooxdiisa ee uu u dhiibay xiddiga Ousmane Dembele qaybtii hore ee ciyaarta.

Xiddiga Messi ayaa ahaa dareenka taageerayaasha kadib markii ciyaartu dhamaatay waxana intii uu ku socday qolka Labiska la kulmay tababare Ronald Koeman kaas oo gacmihiisa saaray garbaha Messi lana yeeshay hadal ka hor inta uuna laabta galin.

Arintaas ayaa ahayd mid cajiib ah Koeman ayaana la waydiiyay wixii uu la wadaagay kabtankiisa intii uu ku jiray shirkii ka dambeeyay kulanka.

“Xidhiidhkayga Leo ma ahayn mid adag”ayuu Keoman yidhi.

“Waan la hadlay waxa aan u sheegay in ay ahayd in aan horay u dilno kulanka”.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Ugu Dambayn U Jawaabtay Madaxweynaha France Oo Aflagaadeeyay Nabi Muxammed {N.N.K.H}

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*