Ronald Koeman Oo Kashifay Sababta Uu Lionel Messi Kaydka Ugu Bilaabau Kulankii Real Betis.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Kaydka u dhigay xiddigiisa Lionel Messi kulankii Real Betis.

Kooxda Barcelona ayaa guul 5/2 ah ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Xiddiga ugu muhiimsan kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa badal ku soo galay ciyaarta isaga oo dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday.

Ronald Koeman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Tan ilaa shalay waxa aan ka hadlaynay Nasinta Messi kulamada qaar”.

“Waxa aan la hadalnay isaga waxana aan kadib go’aansanay in aan kaydka dhigno waxana aan doonaynay in uu ciyaaro hadii aan u baahano”atuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*