Ronald Koeman Oo Kashifay Sababta Philippe Coutinho Qaab Ciyaareedkiisa Ka Dhigay Mid Cajiib Ah.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa kashifay sababta dhanka kale u rogtay qaab ciyaareedka Philippe Coutinho kadib markii uu ka soo laabtay heshiiskii amaahda ahaa.

Coutinho ayaa Barcelona ku biiray suuqii January 2018 laakiin waxa uu ku dhibaatooday kooxda intii uu kooxda hogaaminayay tababare Ernesto Valverde.

Laakiin COutinho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu kooxda ku soo laabtay xilli ciyaareedkan.

Labadii kulan ee uu ciyaaray horyaalka Coutinho ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo keentay su’aal la iska waydiiyo sababta uu qaab ciyaareedka ugu jiro xiddigu.

Tababare Ronald Koeman oo la hadlaya wargayska Sport ayaa yidhi” Waa su’aal fiican jawaabteeduna way fududahay, waa xiddig aad u fiican”.

“Waa xiddig wax badan ka soo bartay England iyo Bayern Munich, waxana aan dhigay booskiisa ugu fiican sidaas darteed waxa uu helay kalsooni badan sidaas darteed ayuu qaab fiican ugu jira”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: Madaxweyne Muuse Biixi:”:-Waxa Aan U Sheegaynaa Beesha Caalamka, In Aqoonsiga La Siiyey Somalia Uu Noqday Hub Lagu La Dagaallamo Horumarka & Nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*