Ronald Koeman Oo Kashifay Fursadaha Barcelona Ee Horyaalka La Liga Kadib Bar-Barihii Eibar.

Tababaraha Kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa iska dhiibay horyaalka La Liga kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Eibar kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Bar-Barahaas ayaa la macno ah in ay kooxda Barcelona ku jirto kaalinta 6-aad iyada oo 7 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Atletico Madrid kuwaas oo 2 kulan oo baaqi ah haysta.

“Hadii aan xaqiiqada ka hadlo, horyaalku waa mid adag”ayuu Ronald Koeman yidhi.

“Ma jiraan wax aan suurtagal ahayn laaiin waa in aad eegto masaafada aan u jirno horyaalka”.

“Atletico Madrid ayaa u muuqata koox fiican oo adag, lagamana dhaliyo goolal badan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*