Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Uu La Leeyahay Lionel Messi.

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Lionel Messi.

Xiddiga reer Argetine ayaa ku wargeliyay Barca inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan ka hor inta uusan ugu dambeyntii ka noqon go’aanka, waxaana uu haatan sii joogi doonaa Camp Nou ilaa ugu yaraan dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21.

Markii wax laga weydiiyay xiriirka uu la leeyahay 33 jirkaan, Koeman ayaa yidhi”Inta badan khilaafku waxa uu ka dhexeeyay Messi iyo Kooxda” isaga oo sheegay in uuna wax khilaaf ah ka dhexayn isaga iyo xiddiga.

“Taasi si macquul ah ayey iiga gudubtay” Koeman ayaa u sheegay Fox Sports.

“Khilaafku inta badan waxa uu ka dhexeeyay Messi iyo Kooxda, waan la hadlay Messi tan ilaa wakhtigaas waanan sii wadi doonaa haatan”.

Barcelona ayaa horyaalka u wayday Real Madrid xilli ciyaareedkii hore halka laga reebay tartanka champions League kadib guuldaro ceeb ah oo 8/2 ah oo ka soo gaadhay Bayern Munich.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*