Ronald Koeman Oo Halis Ugu Jira In Lix Kulan , Sidee Wax U Jiraan?

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa  halis ugu jira ganaax uu kala kulmo ururka kubadda cagta Spain ka dib hadaladii uu u jeediyay garsoorahii hayay kulankii Cadez

Barca ayaa xalay bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ay la galeen Cadez oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsanaa wareegga 6-aad ee La Ligaha

Tababaraha Barca ayaa dood la galay garsoorihii hayay ciyaarta iyo kan afaraad waxa uuna waqtigaas ka dagaalamayay kaarka casaan ee la siiya Der Jong , sidaa darteed ganaax ayuu haatan wajahayaa

Wargeyskia Sport ayaa qoraya in sharciga xariirka u yaalo uu yahay in tababarihii dood la gala garsoorka in la ganaaxo sedex kulan ama muddo gareysa bil

Macaluinka haatan kulanka soo socda ee Levante iyo kan Atletico Madrid  ma soo farsiisan doono kursiga badelka

Gudiga anshaxa ayaa dib ugu laaban doona muuqalka ciyaarta iyo waliba iyaga oo sugaya warbixinta garsoorihii iyadoo tababaraha Barca lagu eedeynayo in uu adeegsaday luqad bahdil ah waxa uuna u nugul yahay in 6 kulan la ganaaxo

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*