Ronald Koeman Oo Farta Ku Fiiqay Sababta Ka Dambaysa Dhibaatada Kooxdiisa.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman Ayaa kashifay sababta ay kooxdiisu u dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan kadib markii ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo xaalku ku sii xumaanayo kooxda Ronald Koeman.

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman oo la hadlaya TheEuropeanLad Ayaa yidhi”Waxa aan ku dhibaatoonaynaa weerarka”.

“Ma lihin wax orod ah dhinaca weerarka, kaliya waxa aan haysanaa xiddigo khadka dhexe ah, laakiin waa in aan u samirno xiddigaha soo laabanaya”.

Mustaqbalka Koeman ayaa la go’aamin doonaa kadib fasaxa xulalka kulamada ay ciyaari doonto kooxda Barcelona kana mid tahay kulanka El Clasico ee ay la ciyaari doonaan Real Madrid.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*