Ronald Koeman Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu U Badalay Gerard Piqué Kulankii Xalay Ee Getafe.

Tabaaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u badalay Gerard Piqué inta u dhaxeysay labada qeyb ee ciyaarta

Barcelona ayaa xalay ku badisay 5/2 oo ay ku garaaceen kooxda Getafa oo marti ugu aheyd kulan ka tirsanaa wareegga 31-aad ee La Ligaha

Wargeyska Marca ayuu macalinka ka yiri” aad ayaan ugu faraxsanahay waxa ay kooxda xalay sameysay”

Badelka Gerard Piqué waxa uu ka yiri ” wax qorsheysan ayay aheyd , ka dib finalkii Cope Del Rey waxaan ku ballanay in uusan ciyaarin wax ka badan 45 daqiiqo”

Dhanka kale waxa uu Ronald Koeman xusay in kooxdiisa inkastoo ay guul gaareen hadana qeybta labaad in xoogaa ay is dhigteen ” dib ayaan ugu laabaneynaa waxii dhacay”.

Mustaqbalka Messi ayuu ka hadlay” waxaan doonayaa in uu kooxda sii joogo oo qalinka iyo warqadda is dul saaro”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*