Ronald Koeman Oo Codsi U Diray Madaxda Kooxda Bisha January

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in loo keeno weeraryahan cusub inta lagu jiro bishan kadib markii ay kooxdiisu guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Heusca horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatootay dhanka gool dhalinta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan xilli ayna dhalin goolashii badnaa ee looga bartay.

Xiddigaha Lionel Messi, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele & Martin Braithwaite ayaa dhamaantood ku dhibaatoonaya goolasha horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Koeman ayaa fariin u diray masuuliyiinta kooxda una sheegay in uu doonayo weeraryahan cusub oo gool dhaliye ah.

“Waan ku kalsoonahay xiddigaha oo dhan”ayuu Ronal Koeman yidhi.

“Laakiin hadii aan dooranayno 3 xiddig oo khadka dhexe ah waxa ana u baahanahay 3 weeraryahan”.

“Waxa aan u baahanahay xiddig No.9 ah kaas oo dhalin kara goolasha waliba si joogto ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*