Ronald Koeman Oo Amaan Ugu Qubeeyay Taariikh Sameeye Lionel Messi

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman aya amaan ugu qabeeyay kubad samaynta Lionel Messi kadib markii uu xiddiga reer Argentine jabiyay rikoodhkii Pele ee gool dhalinta koox kaliya isaga oo dhaliyay 644 gool.

Messi ayaa gool dhaliyay qaybtii hore kulankii ay Kooxdiisu guusha 3/0 ah uga badisay kooxda Valladolid kaas oo u ku dhaafay Pele.

Kadib ciyaarta Messi ayaa u mahad celiyay taageerayaasha isaga oo bogiisa Instagram-ka kusoo qoray”Waxa aan bilaabay ciyaarista kubada cagta aniga oo aan marna ka fikirin jabinta rikoodhada”.

Koeman oo dhankiisa amaanaya xiddiga kabtanka u ah kooxdiisa ayaa yidhi”Waxa aan sheegay marar badan, Leo waxa uu ku faraxsanahay”.

“Waa xiddig ad muhiim noogu ah dhanka kubad samaynta, waxa aad arkaysaa in uu xiddigaha kale ka dhigayo kuwo fiican marka ay ka garab ciyaarayaan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*