Romeul Lukaku Oo Arsenal Ka Caawin Kara Saxiix Ay Mikel Arteta Kaga Dhagantahay Xagaagan.

La Saxiixashada weeraryahan ayaa ahayd muhiimada 1-aad ee kooxda chelsea suuqa xagaagan waxana ay ku dhawdahay in ay arintaas ku xaliso saxiixa weeraryahanka Romelu Lukaku.

Laakiin ku laabashada Romelu Lukaku ee chelsea ayaa sidoo kale Arsenal ka caawin kara xalinta arin dhib weyn ku ahayd xilli ciyaareedkii hore.

Thomas Tuchel ayaa suuqa ugu jiray weeraryahan cusub waxana markii hore lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Haaland laakiin markii ay Dortmund diiday in ay iibiso xiddiga waxa ay Blues dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga Lukaku.

Haatan chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kadib markii ay Inter Milan kala heshiisay saxiixa xiddiga waxana uu haatanba ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda chelsea.

Laakiin ku biirista Lukaku ee chelsea ayaa sabab u noqon doona bixitaanka Tammy Abraham sida laga soo xigtay wargayska Daily Mail.

Arsenal ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Tammy Abraham imaatinka Romelu Lukakuna waxa uu Gunners ka caawin karaa in ay hesho saxiixa xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*