Romelu Lukaku Oo Sii Doortay Lambarka Uu U Qaadan Doono Kooxda Chelsea.

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kadib markii ay Inter Milan kala heshiisay saxixa xiddiga.

Xiddiga Romelu Lukaku aya maanta oo Axad ah tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda ka hor inta ayna Chelsea ku dhawaaqin saaxiixa xiddiga maalmaha soo socda.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in uu Romelu Lukaku haatanba sii doortay Lambarka uu u xidhan doono kooxda Chelsea marka uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda chelsea.

Isla warggayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Belguim qaadan doono Lambarka No.9 oo uu Haatan Tammy Abraham u qaato kooxda Iyada oo la fiayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Romelu Lukaku ayaa haatanba ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda chelsea isaga oo sanadkii mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 11 milyan oo euro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*