Romelu Lukaku Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Laakiin Xiddig Kale Ayaa Tababarka Maqan

Romelu Lukaku ayaa tababar buuxa la qaatay Chelsea khamiistii inkasta oo uu dhaawac uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa Belguim laakiin waxa tababarka ka maqan xiddiga Antonio Rudiger.

Weeraryahanka ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Belgium-ka ee guuldarada kala kulantay France khamiistii hore isaga oo shaqaba soo taabtay qlaakiin xiddiga ayaa seegay kulankii dambe ee Italy sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Chelsea ayaa ku kalsoon in uuna dhaawaca xiddigu ahayn mid halis ah waxana uu tababar buuxa la qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee chelsea ka hor soo laabasahda premier League.

Romelu Lukaku ayaa si buuxda tababarka ula qaatay chelsea laakiin waxa tababarka laga waayay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Antonio Rudiger kaas oo dhankiisa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Rudiger ayaa dhankiisa muhiim u ah kooxda chelsea isaga oo door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka chelsea ee tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*