Romelu Lukaku Oo Kashifay Sababta Uu U Necebyahay Sida Uu Thomas Tuchel U Ciyaarsiiyo Isaga.

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Romelu Lukaku ayaa qarxiyay lama filaan weyn kadib markii uu kashifay in uuna jeclayn qaabka uu tababare Thomas Tuchel uga ciyaarsiiyo shaxdiisa.

Romelu Lukaku ayaa ku soo laabtay chelsea xagaagii isaga oo kaga soo laabtay Inter Milan kadib markii uu ku soo guulaystay horyaalka Serie A-da.

Lukaku oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Qaabka aan u dhisanahay, aad ayaan u weynhaay, cid walba waxa ay aaminsantahay in aan bartilmaameed ahay, kaliya in aan hayo kubada gool-na dhaliyo”ayuu u sheegay Website-ka UEFA.

“Laakiin waligay qaabka chelsea aan uga ciyaara umaan ciyaarin, waanan necebahay, awoodayda ugu weyn ee aan halista ku ahay waa marka aan wajahayo goolka sababato ah waa marka aanan khalad badan samayn”.

“Marka aan baaska dhiibo waan ogahay meesha ay tahay in aan aado waana Goolka hortiisa, wax badan ayaan samayn karaa, marka aan arko kulamada qaar in aan helayo boosas badnaan si kale ayaan u ciyaaraa”.

“Sababta aan goolka hortiisa ugu fiicanahay waa in aan wax walba qaban karo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*