Romelu Lukaku Oo Go’aan Ka Gaadhay Ku Laabashada Chelsea Kadib Markii Ay Inter Milan Go’aamisay Qiimaha Ay Uga Samrayso Xiddiga.

Chelsea ayaa xiiseyneysa inay Romelu Lukaku kala soo saxiixato Inter Milan xagaagan inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin wargayska Express Sports ayaa sheeaya in uu xiddiga reer Belguim doonayo in uu sii joogo kooxda Inter Milan waliba kooxda mar kale kula guulaysto koobab kale.

Chelsea ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub suuqa xagaagan inkasta oo ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen champions League laakiin Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu premier League ku hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Olivier Giroud ayaa haatanba isaga tagay kooxda kuna biiray Ac Milan halka xiddiga Tammy Abraham ku biiri doono kooxda Arsenal hadii ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Blues ayaa bartilmaameed 1-aad ka dhigatay xiddiga Erling Haaland laakiin Borussia Dortmund ayaa si cad u diiday in ayna ku iibin doonin xiddiga wax ka yar 160 milyan oo euro.

Taas ayaa keentay in ay Blues dareenkooda u jeediso saxixia xiddiga Romelu Lukaku, Inter Milan ayaana Chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 120 milyan ah si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uuna Romelu Lukaku doonayn in uu ku biiro kooxda Chelsea maadama uu ku faraxsanyahay Inter Milan diyaarna u yahay in uu sii joogo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*