Romelu Lukaku Oo Chelsea U Sheegay In Ay La Soo Saxiixdaan Laba Xiddig Kadib Fashilkii Jules Kounde

Romelu Lukaku ayaa kula taliyay chelsea in ay u dhaqaaqaan saxiixa labada xiddig ee Inter Milan Alessandro Bastoni iyo Milan Skriniar sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Chelsea ayaa dooneysay inay ku darto daafac dhexe oo cusub kooxda Thomas Tuchel xagaagan waxana si aad ah u doonaysay saxiixa daafaca Sevilla ee Jules Kounde.

Laakiin chelsea ayaa ku fashilantay in ay Sevilla la gaadho heshiis kuwaas oo diiday in ay hoos u dhigaan qiimaha ay ku iibinayaan xiddiga reer France.

Sida laga soo xigtay Sport Mediaset Chelsea ayaa wali suuqa ugu jirta daafac dhexe waxana ay haatan ka fiirsanayaan xiddigaha reer Inter Milan ee Bastoni iyo Skriniar.

Wararka ayaa sheegaya in go’aanka chelsea yimid kadib markii uu Lukaku kooxda kula taliyay in ay u dhaqaaqaan labada xiddig maadama uu kaga soo garab ciyaaray Inter Milan.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*