Romelu Lukaku Oo Bartilmaameed U Noqday Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda PSG.

Xiddiga reer Belguim ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Thomas Tuchel kadib waraysi muran badan dhaliyay oo uu sameeyay dhawaan.

Mustaqbalka Lukaku ee chelsea ayaa wali su’aal ku jira inkasta oo ayna kooxdu halis ugu jirin in ay wakhti dhaw waydo xiddiga reer Belguim.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay El Nacional, Chelsea ayaa wali u furan in ay iska iibios xiddiga iyada oo kooxda PSG doonayso saxiixiisa si ay ugu badasho Kylian Mbappe oo isaga tagaya kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda PSG diyaar u tahay in ay miiska saarto lacag dhan 75 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa Romelu Lukaku isla markaas xiddiga laftiisu ku qanci karo ku biirista kooxda PSG.