Rodrigo: Garoonka Dhexdiisa Ayaan Kaga Jawaabnay Wixii Dhacay.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Rodrigo ayaa sheegay in ay Real Madrid kaga jawaabtay garoonka kulankii Dery Madrid Wixii ku dhacay xiddiga Vini Jr ka hor kulanka.

Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo gaadhay guushoodii 6-aad ee horyaalka.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa hadalo cunsurinimo leh kula kacay xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Jini Jr ka hor kulankii Derby Madrid.

Sidoo kale qaar ka mid ah Xiddigaha Atletico madrid ayaa u hanjabay xiddiga reer Brazil isla markaas kula kacay hadalo cunsuriyad leh.

ciyaarta kadib xiddiga Rodrigo oo la hadlaya MARCA ayaa yidhi”Kulankii Derby-gu waxa uu ahaa mdi cajiib ah waanan ku faraxsanahay in aan gool dhaliyay”.

Isaga oo ka hadlaya cunsuriyadii lagula kacay Vini Jr ayaa yidhi”Kulanku waxa uu ahaa mid ka duwan sidii hore sabab la xidhiidha waxa dhacay laakiin waxa aan kaga jawaabnay garoonka dhexdiisa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*