Rodri Oo Magacaabay Kooxda Man City Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Rodri ayaa sheegay in ay kooxda Tottenham tahay kooxda xilli ciyaareedkan Man City kula tartami doonta horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa si fiican ku bilaabatay premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo aan wali wax guuldaro ah kala kulmin tartanka xilli ciyaareedkan.

Rodri ayaa shegay in ay Tottenham haysato koox cajiib ah isla markaas kooxda Conte ku tartami doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxa ay dhiseen koox cajiib ah waxana ay haystaan tababare heer sare ah kaas oo si fiican u garanaya waxa uu qabanayo”ayuu Rodri u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Waxa ay garanayaan waxa ay tahay in ay sameeyaan, waxana ay si fiican u qabanayaan waxa ay doonayaan”.

“Aniga ahaan Tottenham ayaan u arkaa kooxda kaliya ee Man City kula tartamaysa horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*