Rodri Oo Ku Digtay Liverpool Kadib Qaabka Xun Ee Ay Ku Bilowdeen Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Man City ee Rodri ayaa ku digtay kooxda Liverpool Isaga oo sheegay in ayna Reds ku jirin dhibaato laakiin ay bilaa waxtar tahay xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 2 kulan badiyay 6-dii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan.

Rodri ayaa u sheegay Gazzetta dello Sport: “Heerka Premier League aad ayuu u sarreeyaa, isla marka aad Si hoosaysa ku bilaabato waxa aad luminaysaa dhibco”.

“Liverpool kuma jirto dhibaato xilli ciyaareedkan laakiin waa bilaa waxtar, waxqabadkooduna aad ayuu u yaryahay”ayuu sii raaciyay.

Liverpool aya ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo bar-baro galay 3 kulan mid kalena laga badiyay halka ay badiyeen kaliya laba kulan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*