Rodri ayaa ku adkeystay in weli “jid dheer uu harsan yahay” tartanka horyaalka, wuxuuna sheegay in Manchester City ay “sii wadi doonaan dagaalka tartanka premier League kaddib barbaro niyad-jab leh oo ay la galeen Chelsea.
Gool uu Enzo Fernandez dhaliyay daqiiqadihii dhimashada ciyaarta ayaa Chelsea u xaqiijiyay barbaro 1-1 ah oo ay ku heleen Etihad Stadium, taasoo ahayd kulankoodii ugu horreeyay tan iyo markii Enzo Maresca uu ka tagay xilka tababarenimo.
Goolkii Tijjani Reijnders ee qeybta hore ayaa u ekaa mid kala saari doona labada dhinac, balse Chelsea, oo uu hogaaminayay tababare ku-meelgaar ah Calum McFarlan, ayaa dhaliyay gool wakhti dambe ah.
Manchester City ayaa sidoo kale dhibco lumisay kulankii ay la ciyaareen Sunderland ka hor imaanshihii Chelsea, waxayna haatan lix dhibcood ka dambeeyaan kooxda loo arko inay ugu cadcad tahay horyaalka, Arsenal.
“Dabcan waa niyad-jab, balse ugu dambayn waa sida ay tahay,” ayuu yiri Rodri. “Waxaan abuurnay fursado ku filan inaan ku badinno saddex ama afar gool balse tani waa kubadda cagta”
“Haddii aadan ka faa’iideysan fursadahaaga, iyagu waxba sameyn iyagoo kaliya barbaro kula galaya ciyaarta. Sidaas darteed waa inaan cashar ka barannaa. Weli jid dheer ayaa harsan, waana inaan diiradda saarno kulamada soo socda”
Rodri naftiisu been usheegaya horyalkan arsenal ayaa iska leh