Daafaca bidix ee kooxda Liverpool FC, Andrew Robertson, ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga tagayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Robertson ayaa ku dhawaaqay inuusan sii wadi doonin ciyaarista Liverpool marka xilli ciyaareedkan uu dhammaado.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Robertson wuxuu yiri:
“Tani waxay ka dhigan tahay inaanan qasab ku ahayn inaan qof walba been uga sheego mustaqbalkeyga, taasna waxay iga dhigeysaa mid aad u nasan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ma aanan diidin wax dalab ah oo ku saabsan kordhinta qandaraaskeyga Liverpool, sababtoo ah asal ahaan wax dalab ah ma jirin. Waxaa jiray wada-hadal noo dhexeeyay dhammaanteen, oo ku saabsanaa rabitaankeyga inaan ciyaaro iyo kalsoonida aan ku qabo inaan wali sii wadi karo ciyaarta, waxaana u maleynayaa inaan taas caddeeyay xilli ciyaareedkan.”
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in kooxda Tottenham Hotspur ay tahay kooxda ugu dhow ee doonaysa inay la saxiixato daafaca 32 jirka ah.
Waxaa sidoo kale xiiso u muujiyay bishii Janaayo, halka kooxda Atlético Madrid ay isku dayday inay la wareegto xagaagii hore.
Robertson wuxuu sii raaciyay:
“Xagaagii hore arrintu aad ayay isugu dhoweyd, laakiin waxaan go’aansaday inaan sii joogo, isla arrintaasna waxay dhacday bishii Janaayo.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri:
“Waxaan doonayaa inaan si dhaqso leh u go’aamiyo mustaqbalkeyga, ma rabo inaan galo Koobka Adduunka anigoo cadaadis ku jira. Ilaa hadda wax cad ma jiraan, waan arki doonaa waxa mustaqbalka ii hayo aniga iyo qoyskayga.”
Robertson ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay guushii Liverpool ay 2-0 kaga adkaatay Fulham kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League.
Be the first to comment