Roberto Martinez Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.

Tababaraha Belgium Roberto Martinez ayaa carabka ku adkeeyay in uusan wax xiriir ah la sameyn Barcelona, ​​kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda reer Catalan ay u aragto bedelka macquulka ah ee Ronald Koeman.

Martinez ayaa Belgium kula jira qandaraas ku eg bisha June 2022, laakiin maalmaha Koeman ee kooxda Barcelona ayaa u muuqda mid soo dhamaaday iyada oo laga yaabo in uu waayo shaqadiisa.

Tababaraha xulka Belgium ayaa carabka ku adkeeyay inuu haatan diirada saarayo Nations League iyo isreebreebka Koobka Adduunka, inkasta oo uusan gabi ahaanba mustaqbalkiisa u hibeyn Red Devils.

“Waxaan jeclaan lahaa [Belgium] inay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee u soo baxa Koobka Adduunka ee Qatar. Taasi waa caqabadda ka dib finalka Nations League,” Martinez ayaa u sheegay HLN Jimcihii.

“Laakiin … kubbada cagta marna ma garanaysid waxa berri ka dhici doona, subax kasta waan soo kacaa anigoo ah tababaraha Belgium ilaa maalinta ugu dambaysa ee qandaraaskayga, laakiin waxaan ogahay in duruufo badan ay jidka ka soo bixi karaan”.

Markii si cad wax looga weydiiyay in Barcelona ay la soo xiriirtay iyo in kale, Martinez ayaa yidhi “Waxba ma jiraan. Ma jirin wax xiriir ah,”

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*