Roberto Firmino Oo Amaan Ugu Qubeeyay Philippe Coutinho

Roberto Firmino ayaa ku Ayaa Ku Tilmaamay Philippe Coutinho mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, waxaana uu sheegay in la ciyaartiisa Liverpool sharaf u tahay.

Labada xiddig ayaa u wada ciyaaray xulka qaranka Brazil kulankii ay guusha 5/0 ah ka gaadheen xulka Bolivia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Firmino ayaa dhaliyay 2 gool iyada oo uu Coutinho dhaliyay goolka 5-aad ee xulka qarankiisa.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Coutinho ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka inkasta oo la filayay in ay kooxdu iska iibiso intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Firmino aya si fiican u garanaya Coutinho maadama ay isaga garab ciyaareen xulka qaranka iyo waliba 3 sano oo Liverpool ah.

Isaga oo amaanaya xiddiga ay isku xulka yihiin ayuu Firmino u sheegay FIFA.com”Waa xiddig cajiib ah”.

“Kaliya ma diidi kartid in uuna sixiroole ahayn, sixirkiisu waa mid cusub, waxa uu sameeyaa fursado aan jirin”.

“Mar walba waxa aad daawanaysaa ku celiska ciyaartiisa si aad u fahanto waxa uu qabtay, waa xiddig aan la rumaysan karin sharaf ayayna ii tahay in aan kaga garab ciyaaray Liverpool iyo xulka oo aan haatan kaga garab ciyaaro”.

“Anigu waxa aan u ahay taageere weyn, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican aduunka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*