Roberto Firmino Mise Diogo Jota? Halyeeyga Liverpool John Barnes Oo Doortay Xiddiga Uu Doonayo In Lagu Bilaabo Shaxda Reds Kulanka Man City.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa sheegay in uu doonayo in uu Roberto Firmino ku bilowdo shaxda Reds kulanka Man City ee Axada.

Xiddiga reer Brazil ayaa sida caadiga ah ka garab ciyaari jiray Xiddigaha Sadio Mane iyo Mohamed Salah laakiin booskiisa ayaa haatan halis ku jira kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xiddiga Diogo Jota kaas oo saddexley dhaliyay kulankii Atalanta.

Jota ayaa ku bilowday shaxda Reds kulankii Atalanta taageerayaal, Halyeeyo iyo Khabiiro Badan ayaa Klopp ku boorinaya in uukulanka Man City ku bilaabo xiddiga Diogo Jota kaydkana dhigo Roberto Firmino.

Laakiin Barnes ayaa aaminsan in ay tahay in Firmino lagu bilaabo kulanka Man City sabab la xidhiidha nooca uu kulanku yahay.

“Jota waxa uu dhaliyay saddexley, laakiin taasi lama macno ah in uu ku bilaaban karo kulanka Man City”ayuu Burnes u sheegay talkSPORT.

“Waxan u malanayaa in xiddiga ciyaaraya ay ku xidhantahay nooca ciyaarta iyo cida ay la ciyaarayaan”.

“Kulanka Man City waa mid ayna Liverpol kubad badan haysan doonin sidaas darteed waxa ku fiican in uu Firmino ku bilowdo, waxa aad u baahantahay xiddigaha Bobby Firnimo oo kale ah kaliya ma ahan in uu kubada hayo laakiin sidoo kale dhanka daafaca”.

“Hadii aad la ciyaarayso kooxo Atalanta ama Leeds oo kale ah kuwaas oo ah kooxo furan waxa aad u baahantahay Jota”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*