Robert Lewandowski Oo Qirtay In Uu Doonayay In Uu Ku Biiro Man United, Maxaa Ka Hor Istaagay.

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro Manchester United intii uu joogay Borussia Dortmund.

32 jirkaan, oo dhawaan loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican sanadka 2020 ee abaalmarinta The Best ataa ku riqaay 3 xilli ciyaareed oo cajiib ah kooxda Borussia Dortmund ka  hor intii uuna ku biirin Bayern Munich sanadkii 2014.

Lewandowski ayaa ahaa xiddig si weyn loo doonaya kadib markii uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda waxana uu xiddiga reer Poland haatan shaaca ka qaaday in uu wadahadalo la qatay Sir Alex Fergsuson sanadkii 2012.

Isaga oo la hadlaya France Football, Lewandowski ayaa yidhi”labaad ee aan ku sugnaa Dortmund, waxa aan wadahadal la yeeshay Sir Alex Ferguson, waxa uu doonayay in aan ku biiro Man United”.

“Aad ayaan u xiiseynayay. Xitaa waxaan dhihi karaa diyaar ayaan u ahaa Ku biiro Man United laakiin Dortmund ayaa diiday in aan boxo”.

Lewandowski ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka intii uu joogay Bayern, halkaas oo uu ku dhaliyay 266 gool 307 kulan tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*