Robert Lewandowski Oo Khatar Ku Ah In Uu Jabiyo Rikoodh Cristiano Ronaldo Uga Yaala Champions League.

Hadii uu Robert Lewandowski dhaliyo 5 gool inta ka dhiman champions League xilli ciyaareedkan waxa uu jabin doonaa rikoodhkii Cristiano Ronaldo ee ugu goolasha badnaa xilli ciyyaareed kaliya ee tartanka.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 17 gool oo champions Leageu ah xilli ciyaareedkii 2013/2014 waxana uu xiddiga reer Poland haatan leeyahay 14 gool.

Robert Lewandowski ayay u hadheen 3 kulan oo champions League ah hadii ay kooxdiisu gaadho final-ka tartanka xilli ciyaareedkan.

Lewandowski Ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhalin kara goolashaas marka loo eego qaab ciyaareedkiisa.

Lewandowski ayaa jimcaha ka hor iman doona kooxda Barcelona kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka tartanka champions League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*