Robert Lewandowski Oo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Barcelona.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa ka hadlay ku biiristiisa kooxda Barcelona kadib markii ay kooxaha Bayern iyo Barca ka heshiiyeen qiimihiisa.

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in uu Robert Lewandowski ku biiri doono kooxda Barcelona kadib markii ay labada kooxood isla meel dhigeen qiimaha xiddiga.

Robert Lewandowski oo la hadlaya Sky Sport aya yidhi”Waxa Aan Bayern joogay 8 sano oo cajiib ah, ha iloobina midaas, waxa aan halkan ku qaatay wakhti cajiib ah.

“Haatan waan bixi doonaa waxa aan aadi doonaa Barcelona laakiin kadib marka ay Barcelona ka soo laabato USA, waan soo laaban doonaa si aan kooxda iyo cid walba oo la xidhiidha u macasalaameeyo”/

“Maanta waxa aan tababarka u imid si aan u macasaleemeeyo xiddigaha kooxda jooga”ayuu sii raaciyay.

“Mar kale ayaan ku soo laaban doona garoonka tababarka Bayern si aan si fiican ugu macasalaameeyo cid walba”ayuu sii raaciyay.