Robert Lewandowski Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Bayern Munich.

Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuusan qandaraaska u kordhin doonin Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Weeraryahanka reer Poland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 49 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga reer Poland ee Bayern ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tago kooxda kuna biiro Barcelona.

Inkasta oo horay loo sheegay in uuna xiddigu ka tagi doonin kooxda Bayern hadana Sida laga soo xigtay Goal, Lewandowski ayaan heshiis cusub u saxiixi doonin Bayern Munich.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga weerarka ka ciyaara uuna ku faraxsanayn kooxda Bayern Munich isla markaas uu diidi doono in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda si uu xor uga tago kooxda xagaaga dambe.