Robert Lewandowski Ayaa Ka Fiican Lionel Messi.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Germany ee Lothar Matthaus ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Robert Lewandowski uu haatan yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Lewandowski iyo asxaabtiisa Bayern Munich ayaa wajihi doona Lionel Messi iyo Barcelona kulanka wareega 8 dhamaadka ee Champions League jimcaha.

Shaki la’aana waa kulan aad u xiiso badan iyada oo ay iska hor iman doonaan laba weeraryayan oo loo arko kuwa ugu fiican jiilkooda.

Laakiin Halyeeyga Bayern Munich ee Matthaus ayaa aaminsan in uu Lewandowski wakhti xaadirkan ka fiicanyahay xiddigaha kale oo dhan.

“Messi waxa uu wajahayaa xiddiga ka badalay midka ugu fiican adudunka Robert Lewandowski, haatan waa midka ugu fiican adduunka”ayuu u sheegay wargayska Bild.

“Barcelona-da maanta ma ahan Barcelona-dii hore Waxa ay haystaan Messi xiddig mar walba awood u leh in uu sameeyo mucjiso”.

“Laakiin Kaligiis kuma filna kooxda Bayern Munich, Barcelona haatan igama cabsiiso”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*