Riyad Mahrez Oo Kala Cadeeyay Xaqiiqada Hadalkii Uu Ku Sheegay In Uu Ku Biiri Doono PSG.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Riyad Mahrez ayaa ka hadlay xaqiiqada hadalkii uu ku sheegay suurtagalnimada uu ugu wareegi karo kooxda PSG xagaaga dambe.

Xiddiga reer Algeria ayaa sheegay Canal Football Club in hadii ay PSG doonayso saxiixiisa in uu ka fiirsan doono arintaas inkasta oo uu heshiis kula jiro kooxda Man City.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray in uuna gabi ahaan hadalkaas oo uu yahay mid been abuur ah.

Riyad ayaa qoraal ku yidhi”Hadalkaas gabi ahaan ma ahan wixii aan sheegay, miyay adagtahay in hadalka sidiisa loo soo gudbiyo mise waxa ay xiiso leedahay marka la kala reebo”.

Riyad Mahrez ayaa Man City ku soo biiray xagaagii 2018 waxana uu kaga soo biiray Leicester City waxana u hadhsan heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*