Rivaldo Oo Weerar Ku Qaaday Madaxdii Hore Ee Barcelona & Lionel Messi Oo Sabab U Ah.

Waxa ay ahayd sheekada xagaaga: Miyuu Lionel Messi ka tagi doonaa Barcelona si uu ugu biiro Man City? ugu dambayn Barcelona ayaa diiday in uu xiddiga reer Argentine ka tago kooxda ka hor inta uuna heshiiskiisu dhicin Halyeeyga Barcelona ee Rivaldo ayaana sheegay in ay arintaas khalad ahayd.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda tan ilaa ceebtii 8/2 ahayd ee kooxda ka soo gaadhay Bayern Munich champions League.

“Madaxdii hore ee kooxdu waxa ay sameeyeen khalad markii ay diideen in ay iska iibiyaan Liponel Messi inta uu kooxda kula jiro heshiiska”ayuu Rivaldo u sheegay Betfair.

“Waxa ay ahayd in ay sameeyaan wixii ay Real Madrid sameeyeen Cristiano Ronaldo kuna iibiyeen lacag dhan 100 milyan oo euro”.

“Waa arin adag in la arko in uu Lionel Messi si xor ah uga tago kooxda xilli ay kooxdu marayso xaalad dhaqaale oo xun, aniga ahaan bixitaanka Messi waa lama huraan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*