Rivaldo Oo Qarxiyay Arin Ku Saabsan Mustaqbalka Lionel Messi, Maxaa Cusub?

Halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa qarxiyay arin ku saabsan mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi xilli si weyn loola xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Barcelona.

Rivaldo oo u soo ciyaaray Barcelona ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in uu Lionel Messi heshiis cusub u saxiixi doono kooxda Barcelona kadib markii uu Joan Laporte noqday madaxweynaha kooxda.

Xiddiga Lionel Messi ayaa ka yaabsaday Barcelona xagaagii hore kadib markii uu warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Kooxda kana codaysaday in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa kadib xiiso waali ah ka helay kooxaha Man City iyo Barcelona kuwaas oo doonayay saxiixiisa laakiin xiddiga ayaa iska sii joogay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa aan joogsan wararkii la xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee Halyeeyga Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in uu Lionel Messi qalinka ku duugi doono heshiis cusub.

Isaga oo la hadlaya Betfair ayaa yidhi”Barcelona waxa ay samaynaysay horumar weyn todobaadyadii ugu dambeeyay, Messi-na waxa uu dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa kadib doorashadii madaxweynaha cusub”.

“Messi waxa uu haatan u muuqdaa mid faraxsan oo waliba diirada saaraya qaab ciyaareedkiisa sidoo kale faraxsan tan ilaa markii uu Laporta yimid”.

“Sababtaas darteed waxa aan rumaysanahay in uu Messi heshiis cusub u saxiixi doono kooxda waliba sii joogi doono sanado badan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*