Rivaldo Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Lahaa Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkan Hadii Aan La Kansalin.

Abaalmarinta Ballon d’Or ayaan la bixin doonin sanadka 2020 Rivaldo ayaana aaminsan in uu Robert Lewandowski xiddiga ugu cad-cad ee abaalmarinta ku guulaysan lahaa sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Rivaldo, oo ku guuleystay abaalmarinta 1999-kii, ayaa ka hadlay xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa ee weeraryahanka Reer Poland.

“Sax ayay ahayd in aan sanadkan la bixin abaalmarinta Ballon d’Or-ka”ayuu yidhi Halyeeya reer Brazil.

“Waxa uu ahaa xilli ciyaareed la yaab leh oo ay soo mareen horyaalada yurub, kulamo badan ayaa lagu ciyaaray bilaa taageerayaal horyaalo badan oo sida horyaalka France-na waa la kalsalay”.

“Xiddigo dhawr ah ayaa laga yaabaa in ay ka niyad jabaan go’aanka gaar ahaan Lewandowski oo ugu cad-cadaa in uu ku guulaysto”.

“Lewandowski waxa uu ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay goolal aad u badan isaga ayaana Ronaldo iyo Messi kula tartami lahaa abaalmarinta”.

Sii Akhriso: Guddoomiyaha Degmadda Yaaqshid Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*